Biden oo gaaray Rome oo uu ka dhici doono shirka G20

Published: October 29, 2021

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa saaka oo Jimce ah gaaray caasimada Talyaaniga ee Rome oo uu ka furmi doono shirweynaha dalalka G20, Biden ayaa ballanqaaday in shirkan uu diirada saari doono iskaashiga caalamka iyo horumarinta dimoqaraadiyada si looga gudbo caqabadaha qarniga 21-aad.

Shirkan ka dhacaya Rome kadib ayuu u gudbi doonaa shirweynaha Qaramada Midoobay ee looga hadlayo cimiladda isbedaleysa, shirkaasi oo ka dhici doona isna magaalada Glasgow, ee ismaamulka Scotland UK.

Biden ayaa laga sugayaa inuu shirarkan kusoo bandhigo qorshaha Maraykanka ee masiibooyinka caalamiga ah, kor u qaadista kobaca dhaqaalaha iyo dardargelinta mashaariicda lagu joojinayo isbedelka cimilada.

Biden ayaa sidoo kale qorsheenaya inuu kulan gaar ah Rome kula yeesho Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron. Biden waxa uu isku dayayaa inuu xaliyo khilaafka kala dhexeeya Faransiiska oo ka dhashay heshiiskii isbaheysiga militari ku sameysteen Maraykanka, UK iyo Australiya oo saameyn ku yeeshay qandaraaskii France heysatay sameynta maraakiibta quwadda nukliyeerka ah ee wadanka Australia.

Wuxuu Biden kulan kale la yeelan doonaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, oo maalmo ka hor ka laabtay hanjabaad uu ku eryay diblomaasiyiin reer galbeed ah iyo xiisada ka dhalatay gantaallada Turkiga kasoo iibsaday Ruushka oo caradii ka dhalatay keentay inuu Maraykanka hakiyo in Turkiga lasiiyo diyaaradaha Maraykanka soo saaro ee F-35.

Biden ayaa la filayaa in kulamada uu ka qeyb galayo ka hadli doono arrimaha Barnaamijka Nukliyeerka ee Iran iyo dhawaaqii kasoo yeeray Tehran ee ah inay diyaar u yihiin inay ku laabantaan wadahadalkii ay Iran kula jirtay dalalka reer Galbeedka oo bisha soo socota ku kulamaya magaalada Vienna.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *