Facebook oo magaca shirkadda u beddeshay Meta

Published: October 29, 2021

Maamulaha Facebook Mark Zuckerberg ayaa sheegay in shirkadiisu ay isu beddelayso Meta si ay u soo koobto adeegyadeeda mustaqbalka – iyagoo qaatay magaca cusub ee “metaverse.”

Dadka dhaliila Facebook ayaa sheegaya qorshahan cusub ee Facebook u muuqdo isku-day lagu doonayo in mawduuca laga beddelo mawjadihii iyo xiisadii soo wajahay dhawaanahan shirkadaasi.

Dhawaan ayaa dukumeenti sir u ahaa Facebook oo ay shaacisay Wakaalada Wararka ee Associated Press, xogtaasi oo ay sii xoojisay mid kamid ah maamulayaashii hore ee shirkada Facebook, haweenayda lagu magacaabo Frances Haugen oo daaha ka qaaday sida Shirkada Facebook dhegaha uga fureysatay digniinta kasoo baxeysa isla shaqaalaha shirkadaasi oo ka digayey cawaaqib xumada iyo waxyeelada ka dhalan karta nidaamkooda algorithms-ka (Aruurinta Xogta Macaamiisha) oo adduunka oo dhan saameyn ku yeeshay.

Facebook app-ka, oo ay la socdaan Instagram, WhatsApp iyo Messenger, ayaan waxna iska bedalli doonin, kuwaasi magacyadooda sii isticmaali doona. Qaab dhismeedka shirkada sidoo kale isma bedeli doono. Laakiin 1da bisha December ayey saamileydooda bilaabi doonaan inay ku ganacsadaan calaamad cusub ee “MVRS.”

Shirkada Facebook ayaa la sheegay inay diiday in ay ka hortagto faafinta wararka been abuurka ah ee lagu jahwareeriyo bulshada oo saameyn badan ku yeelatay dalal kala duwan iyagoo xooga saaray oo kaliya sidii ay lacag uga sameysan lahaayeen xogta macamiishooda oo ay aruursadaan, xogtaasi oo ay ka iibiyaan shirkadaha ganacsigooda ku xayeysiista aaladooda.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta dalalka reer Galbeedka iyo Maraykanka ayaa soo jeediyey in shirkadan oo aad u weynaatay loo baahan yahay in sadex loo qeybiyo maadaama ay shirkadan hada saameyn lixaadleh ku leedahay isgaarsiinta internetka ee caalamka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *