Madaxweynaha Galmudug oo Guriceel ku gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada GM

Published: October 29, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa degmada Guriceel ku shir gudoomiyay shirka Golaha Wasiirada Galmudug kaasoo looga hadlay arimo badan.

Qodobada diiradda lagu saaray shirka ayaa waxaa kamid ah xaaladda amni ee Guriceel , maqaamka ay yeelanayso iyo warbixin laga dhageystay Guddiga Gurmadka Gurceel.

Golaha Wasiirada Galmudug ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradda Amniga oo ka warbixisay xaaladda guud ee amniga iyo mida degmada Guriceel oo dhawaan si buuxda gacanta dowladda ugu soo laabatay isla markaasna ay dowladda diyaar u tahay suggida amniga iyo ilaaliinta nabadgelyada guud.

Guddiga Gurmadka Guriceel ayaa dhankooda ka warbixiyay gurmadkii ay soo gaarsiiyeen dadkii ka barakacay magaalada iyo dadaalada dib u dajinta loogu sameynayo.

Golaha Wasiirada Galmudug oo warbixin ka dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dood iyo falanqeyn kadib u gacan taagay si aqlabiyad ahna u ansixiyay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Ansixinta Degmada Guriceel ayaa timid kadib markii Golaha Wasiiradu xeeriyeen warbixinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo federaalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *