Madaxweynaha KGS oo xarigga ka jaray Terminalka cusub ee Madaarka Xudur

Published: October 30, 2021

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdiasiis Xasan Maxamed (Laftagreen) oo ay wehelinayeen Wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka gadiidka iyo duulista Hawada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa xariga ka jarey dhismaha cusub Tariminalka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Xuddur oo dhismihisa lasoo gabagabeyey.

Dhismaha Tariminalka cusub ee Garoonka Xuddur ayaa qeyb ka ah qeybta VIP-da oo si qurux badan loo dhisey iyo qeybaha kale ee Tariminalka uu ka kooban yahay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa tilmaamay  in tani ay qeyb ka tahay dadaalada dowlada ay ku bixinayso si loo hirgeliyo adeegyada ay ubaahanyihiin Bulshada.

Sharaf ayay noo tahay in maanta xariga ka jarno tarminalka cusub ee garoonka diyaarada magaalada xudur ,waa wax aad u weyn oo wax qabad leh in isku tashi lagu dhiso tarminaalkan oo baahi weyn ay uqabeen bulshada, bulshada wax kasta ay rabaan ee la qaban karo waa qabaneynaa, tanna waa mid ka mid ah guulaha Dowlada iyo shacabka qabteen, Gudiga isxilqaan, Maamulka Gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo shacabka wey ku mahadsanyihiin isxilqaanka ay sameeyeen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdiasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ku amaaney dhamaan madaxda maamul ka Gobalka Bakool, kan degmada Xudur iyo dhamaan bulshada doorka ay ka qaateen  iyo sida shacabka Bakool u garab taagan yihiin Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed .

Dhisamaha garoonka ayaa Waxaa si wada jir ah uga qeyb qaatey Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, Qaar ka mid ah Jaaliyadaha Gobalka Bakool kasoo jeeda iyo Bulshada Magaalada Xudur.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *