Madaxweynaha Puntland oo furay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Wakiillada

Published: October 30, 2021

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Madaxweynaha ayaa Khudbaddiisa Dastuuriga ah uga hadlay Amniga iyo Tayeynta Ciidamada, Doorashooyinkii taariikhiga ah ee hal cod iyo hal qof, mashaariicda horumarineeed ee Puntland hirgelisay, xaaladda guud ee Soomaaliya iyo wadashaqeynta Puntland iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Qaar ka mid ah senatarada cusub ee Puntland ku metelaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Saraakiisha Ciidamada Amniga, Saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharafkale.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *