Laftagareen oo amray in la dardargeliyo howlgalada ka dhan ka ah Alshabaab

Published: October 31, 2021

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka Xooga dalka qeybta 60aad iyo Ciidamada AMISOM.

Lafta-gareen ayaa kala hadlay Saraakiishan oo uu horkcayay taliyaha qeybta 60aad Ciidamada Xoogga dalka Generaal Maxamed sheikh Cabdullaahi Ciirow arrimaha amniga iyo in la dardar geliyo dagaal ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab oo dhibaato ba’an ku haya shacabka gobolka Bakool iyo guud ahaan Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la furo qaar ka mid ah wadooyinka gobolka Bakool ee ay go’doomiyeen maleeshiyada Al-Shabaab si ay shacabka u helaan amni iyo nolol ka wanaagsan mida hadda ay ku jiraan.

Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka Generaal Maxamed sheikh Cabdullaahi Ciirow oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay go’aan ku gaareen in si wadajir ah shacab iyo ciidan la iska kaashado dagaalka ka dhanka ah nabad-diidka Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa uga mahadceliyay ciidamada Xoogga dalka shaqada wanaagsan ee ay u hayaan shacabka gobolka Bakool, wuxuuna ku booriyay in ay sida ugu dhaqsaha badan ku bilaabaan howlgalada lagu baacsanayo argagixisada Al-Shabaab ee dhibaatada ku haya guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada Koonfur Galbeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *