Baarlamaanka Puntland oo soo bandhigay Ajandaha kalfadhigooda 49-aad

Published: November 1, 2021

Gudoonka Golaha Wakiilada Baarlamanka Puntland ayaa shaaciyey ajandaha kalfadhiga 49-aad ee yeelanayaan mudanayaasha Golaha Wakiilada.

Golaha wakiilada Puntland
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland

Qodobad ugu waa weyn ee ku xusan ajandaha kalfadhiga waxaa kamid ah ,heshiiska dekedda Boosaaso, la xisaabtanka xukuumadda, dhismaha Maxkamadda-sare iyo midda dastuuriga ah iyo ansixinta Miisaaniyadda dowladda.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa la filayaa in ay doodo adag ka yeeshaan qodobo qaar ee Ajandaha kalfadhiga kuwaasoo xasaasi ah sida arinta heshiiska Dekedda Bosaaso iyo dhismaha Maxkamadda dastuuriga ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *