Ethiopia: Tigrayga oo sheegtay inay qabsadeen magaalada Kombolcha

Published: November 1, 2021

Ciidamada Tigrayga ayaa sheegay in Axadii shalay gelinkii danbe ay qabsadeen magaalo kale oo istiraatiiji ah oo ku taal gobolka Axmaarada ee Itoobiya.

Dagaalyahanadu waxay qabsadeen magaalada Kombolcha iyo garoonkeeda, ayuu yiri Getachew Reda, oo ah afhayeenka Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF).

Qabsashada Kombolcha ayaa faa’iido istiraatiji ah u noqon doonta dagaal yahanada Tigrayga ee dagaalka kula jira ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda oo ku guuleysan waayey inay Tigrayga ka saaraan dhulka ismaamulka Axmaarada.

Magaaladan wayn ayaa qiyaastii 380km u jirta caasimada Addis Ababa, waana koonfurta ugu fog ee deegaanka Axmaarada oo ay kooxda TPLF soo gaadhay tan iyo markii ay gobolka soo galeen bishii July.

Waxayna xoogaga TPLF ay ku sii dhawaanayaan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Colaadda sii fidaysa waxay halis gelinaysaa xasilloonida guud ahaan dalka Itoobiya oo ah waddanka labaad ee Afrika ugu dadka badan.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ku booriyay muwaadiniinta inay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF kadib markii ciidamada Tigraygu ay sheegeen inay qabsadeen Kombolcha, taasoo ku taal wadada weyn ee isku xirta caasimadda dalka aan badda lahayn iyo wadada Tareenka taga dekedda Jabuuti.

“Dadkeennu waa inay qaataan… hub iyo agab kasta oo ay ku difaacaan dhulkooda, isagana caabiyaan argagixisada TPLF,” ayuu Abiy ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dagaal fool ka fool ah uu sidoo kale ka socdo magaalada muhiimka ah ee Dessie iyadoo ciidamada Itoobiya ay dadka ku amrayaan in ay guryahooda ku jiraan, inkastoo la sheegay in maalin ka hor ay dib u gurteen. Xoogaga TPLF ayaa sabtidii lasoo dhaafay sheegay inay qabsadeen magaalada Dessie oo kamid ah magaalooyinka waaweyn ee ismaamulka Axmaarada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *