Afghanistan: Daacish oo weerar ku dishay Sarkaal ka tirsan Talibanka

Published: November 3, 2021

Kooxda Daacish ee Afghanistan ayaa Salaasadii shalay weerar ku qaaday Isbitaalka militariga ee ku yaal caasimada Afghanistan ee Kabul.

Ugu yaraan 19 qof ayaa lagu dilay weerarkii shalay, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka oo diiday in magaciisa la xigto.

Xamdullah Mokhlis, oo xubin ka ahaa shabakada Haqqani ee mayalka adag ee Talibanka u qaabilsan Amniga magaalada Kabul ee loo yaqaan Guutada Badri ayaa hogaaminayey ciidamada ka jawaabayey weerarka lagu qaaday isbitaalkaasi.

Taliyahan ayaa noqonaya sarkaalkii ugu sareeyay ee la dilo tan iyo markii ay Taliban qabsadeen Kabul.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *