USA: Duqa New York oo loo dortay murashaxii Dimuquraadiga Eric Adams

Published: November 3, 2021

Eric Adams ayaa noqonaya mas’uulkii 2aad oo kasoo jeeda Madowga Maraykanka oo qabta xilka Duqa magaalada New York.

Adams ayaa horey usoo noqday Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliiska isagoo ka guuleystay Murashaxii la tartamayey ee xisbiga Jamhuuriga, Mr.Curtis Sliwa oo ah aasaasaha urur sheega inay amniga ka shaqeeyaan oo loo yaqaan (Guardian Angels civilian patrol).

Eric Adams ayaa horey loo filayey inuu xilkan ku guuleysan doono maadaama magaalada New York ay ku xoogan yihiin taageerayaasha xisbiga Dimuquraadiga.

Adams ayaa ololihiisa ahaa in magaaladu aanay samayn karin soo kabasho dhaqaale oo buuxda iyada oo aan wax laga qaban falalka dambiyada ee magaaladaasi ka dhaca.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *