USA: Jamhuuriga oo hogaaminaya tartanka gudoomiyaha gobolka Virginia

Published: November 3, 2021

Doorashada guddoomiyaha gobolka Virginia ee dalka Mareykanka oo codbixiinteeda dhacday Talaadadii shalay ayaa ahayd mid adag isla markaana tijaabo u ah maamulka Joe Biden ee xisbiga Dimuquraadiga kahor intaan la gaarin doorashada Kongareeska ee 2022.

Glenn Youngkin

Murashaxa xisbiga Jamhuuriga Glenn Youngkin oo siyaasadda ku cusub ayaa u muuqda inuu xilkaasi ku guuleysan doono isagoo la tartamayey Siyaasiga caanka ah Terry McAuliffe oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga.

Terry McAuliffe

Loolanka doorashadan gobalka Virgina ayaa sidoo kale loo arkay loolan u dhaxeeya Madaxweynaha Joe Biden oo sanadkiisii ugu horeeyey xilka haya iyo Madaxweynihii ka horeeyey Donald Trump oo awood baddan ku dhexleh xisbiga mucaaridka ah ee Jamhuuriga.

Iyada oo hada cododka la tiriyey ay gaareyso 94%, ayaa waxaa cododka ku horeeya murashaxa Jamhuuriga Youngkin oo saddex dhibcood oo kaliya ku horeeya iyada oo la filayo degmooyinka dhiman tirinta cododka ay ku badan yihiin taageerayaasha Dimuqraadiga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *