Xaalad deg deg ah oo lagaga dhawaaqay Ethiopia

Published: November 3, 2021

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xalaad degdeg ah oo lagu soo rogay guud ahaan dalka xilli uu sii kululaanayo dagaalka ka soconaya Waqooyiga dalkaasi.

Arrintan ayaa imanaysa xilli isbahaysiga fallaagada uu hogaamiyo TPLF uu sheegay inay ciidankoodu ay ku wajahan yihiin caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Fallaagada Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) oo tan iyo sanadkii tagay la dagaalamaysay dowladda ayaa haatan waxa ay isku xirmeen dagaalyahano ka tirsan Oromada, arrintaas oo si wayn u kaabaysa awoodooda ay guluf ugu ekayn karaan magaalada Addis Ababa.

Talaabada ay samaynayaan ciidammada fallaagada ayaa waxa ay horseedday in Ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu ku baaqo in dadku ay hubka qaataan, halka gobollada Amxaarada iyo Oromiyadana lagu soo rogay xaalad degdeg ah.

Dhanka kale warbaahinta qaranka Itoobiya ayaa ku warantay in mas’uuliyiinta Addis Ababa ay dadka ku boorinayaan inay labada maalmood ee aaddan ku diiwaangashadaan hubkooda gaarka ay u leeyihiin.

Xigasho Bbc

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *