Xabad joojin la dhex dhigay beelo ku dagaalamay deegaanka Dhagtuur ee Koonfurta Mudug

Published: November 4, 2021

Maamulka Galmudug ayaa xabbad joojin ka dhaqan galiyay degaanka Dhagtuur ee Koofurta gobolka Mudug, markii saacadahii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan loogu dilay 3 qof oo xoolo dhaqato ah.

Mas’uuliyiin isugu jira maamulka Gobolka Mudug, Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Saraakiisha Laamaha Amniga Galmudug oo ka kooban Daraawiishta iyo Booliska, Odoyaasha Dhaqanka iyo Ganacsato labada dhinac ee dilalku dhexmartay ayaa ku baxay daminta xiisaddaan dagaal, kuwaas oo ku guulaystay baajinta inaan dhib kale dhicin.

Dhinacyada oo maanta ku kulmay duleedka Degaanka Dhagtuur ayaa wada gaaray heshiis ah in xiisadda la damiyo, isla markaana maalinta berri ah ayay u balameen shir weyne ka dhici doona degaanka ay shaqaaqadu ka dhacday, kaas oo lagu dhamaynayo dhibaatadii dhacday.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *