Madaxweyne Deni oo isbebel ku sameeyay hogaanka kala duwan ee Ciidamada

Published: November 8, 2021

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray wareegtooyin uu ku bedelay qaar ka mid hoggaanka Talisyada ciidamada, waxaana dikreetooyinkaan lagu xusay in madaxweynuhu uu tallaabooyinkaan uga go’leeyahay baahiyaha loo qabo dar-dar gelinta amniga.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa G/Sare Xuseen Cali Maxamed oo ahaa Taliyiihii qeybta booliska gobolka Bari u bedelay Taliyaha qeybta booliska gobolka Nugaal, halka G/Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo ahaa Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland loo wajeejiyey Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa S/Guuto Cumar Cabdi Cilmi u magacaabay hoggaanka dembi-baarista (C.I.D) ee ciidanka Booliska Puntland.

Dikreetadaan ayaa sidoo kale G/Dhexe Warsame Axmed Shirwac loogu magacaabay Taliyaha saldhiga dekedda magaalada Boosaaso, halka Maxamuud Silaal Cumar loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka ciidanka PMPF-ta Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *