Madaxweyne Qoor Qoor oo shaaciyay liiska Musharixiinta Aqalka Sare ee ka harsanaa Galmudug

Published: November 10, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa soo saaray liiska musharixiinta ka harsanaa kuraasta Aqalka sare ee ka imaanaya Galmudug.

Musharixiinta uu shaaciyay Madaxweyne Qoor Qoor ayaa gaaraya afar musharax ,kuwaasoo ku tartami doona labo kursi oo kamid ah Aqalka sare kuwaasoo ah kuraasta ka dhinayd in lagu soo doorto Galmudug.

Liiska musharixiinra uu soo saaray Qoor Qoor ayaa kala ah kursiga 1-aad Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cawil Nuur Cali iyo kursiga 2-aad oo ay kuwada qoran yihiin Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed.

Hase ahaatee liiska musharixiinta Aqalka sare ayaa waxaan kasoo muuqanin Siyaasi iyo Madaxweyne hore Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kaasoo horey uga digay in tartan furan loo gali waayo doorashada Aqalka Sare.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *