Puntland oo uga digtay DF in ay gasho heshiis shidaal aan waafaqsanayn dastuurka

Published: November 10, 2021

Xilli wadanka Imaaraadka Carabta uu ka soconayo shirweynaha Shidaalka Afrika ayna ka qeybgalayaan Wefdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Puntland waxa ay qaadacday fulinta sharciga Shidaalka Soomaaliya isla markaana waxa ay sheegtay aysan qeyb ka ahayn wixii kasoo baxa shirka.

Puntland ayaa uga digtay Dowladda Federaalka wakhtigeedu idlaaday in ay gasho heshiisyo shidaal kuwaasoo ay sheegtay in aanay waafaqsanayn sharciga ee lagu xaraashayo kheyraadka dalka.

Waxay sidoo kale uga digtay shirkadaha caalamiga ah shidaalka in ay heshiis shidaal la galaan Dowladda uu wakhtigeedu dhamaaday ee Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeed kasoo baxay PL

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Waa nasiib daro ah inaan puntland xubin ka aheyn gudida samaleyda shidaalka dalka, waxaana xubin buuxda  ka ah,
    1- caasha cusmaan axmed G/Banadir.
    2- ibraahim axmed leyte M/ Hirshabele.
    3- cabdulqadir  adan maxamud M/Gal
    4- ibrahim Abdiqadir maxamed M/ SW
    5- Axmed X. CABDI  M/ Jubaland
    6- cabdixafiid ali dirir M/Gobolada Waqooyi
    7- Mahad Maxamed Xasan FGS