Golaha Wasiirada Galmudug Oo Baaq u Diray Dowlada Federaalka Beesha Caalamka

Published: November 11, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Galmudug oo galabta ku qabsoomay aqalka Madaxtooyada Galmudug.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa maanta looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Miisaaniyadda Dowladda Galmudug ee 2022, Xeerka Biyaha iyo xaaladaha biyo la’aaneed ee soo food saaray deegaanada Galmudug.

Golaha wasiirada ayaa dood iyo falannqeyn kadib ansixiyay Miisaaniyadda 2022 ee Dowladda Galmudug iyo Xeerka Biyaha.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada Galmudug ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ugu baaqay sidii degdeg wax loogu qaban lahaa dadka ku dhaqan deegaanada Galmudug ee dhawaan biyo la’aanta baahsan ay soo food saartay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *