Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay xubnaha Guddiga sare ee Warbaahinta Puntland

Published: November 13, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland kaasoo isugu jira Ururka Warbaahinta ,Ururka qareenad iyo Wasaaradda warfaafinta Puntland.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, Ururka Suxufiyiinta Puntland MAP iyo Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland waxaa looga hadlay dardargelinta Guddiga Warbaahinta oo maanta la daah-furayo.

Guddiga Warbaahinta Sare oo ah 7 xubnood ayaa ka kooban Dowladda, Ururka Suxufiyiinta Puntland, Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland iyo Ururka Qareenada Puntland, waxaana ka mid noqonaya Shaqadooda diiwaangelinta iyo Aqoonsiga qofka weriye noqonaya, qaadista dacwadaha la xiriira Warbaahinta iyo Anshaxmarintooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *