Madaxweynaha Jubaland oo siweyn loogu soo dhaweeyay Garowe + Ujeedka socdaalkiisa

Published: November 15, 2021

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Garoonka diyaaradaha Gen.Maxamed Abshir ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Dhiggiisa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo dadweyne.

Ujeedka socdaalka Madaxweynaha Jubaland uu ku yimid Puntland ayaa la xiriirta arimaha doorashooyinka dalka iyo iskaashiga danaha labada maamul.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa maraya meel xasaasi ah, waxaana lagu wado in dhawaan la guda galo doorashada Xildhibaanada 11-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in lasoo gaba gabeeyay doorashada Senetarada Aqalka sare.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *