Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku wajahan Dhuusomareeb

Published: November 15, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa maanta safar ku tagaya Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Booqashada wafdiga uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay in ay la xiriirto dardargelinta iyo hubinta Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka ee 11-aad.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Mudada uu jooga Galmudug waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda maamulkaas, Bulshada qaybaheeda kala duwan Iyo Xubnaha Guddiyadda Doorashada Heer Federaal Iyo Heer maamul goboleed ee ku sugan Galmudug.

Rooble ayaa horay u ballanqaaday in uu safar ku tago xarumaha Dowlad-Goboleedyada si uu u dardargeliyo qabsoomidda Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka 11-aad ee Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *