Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo Xoghayaha Interpol Oo Ku Kulmay Lyon

Published: November 15, 2021

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo safar shaqo ku jooga magaalada Lyon ee Dalka Faransiiska ayaa kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee INTERPOL Jurgen Stock.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya ciidamada booliska Soomaaliyeed iyo ciidamada Interpol ee ka hortagga danbiyadda caalamiga ah iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.

“Waxaan Magaalada Lyon ee Dalka Faransiiska oo aan safar shaqo ku joogno kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee INTERPOL Jurgen Stock, annagoo ka wada hadalnay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya CBS iyo Interpol ee ka hortagga danbiyada caalamiga ah iyo la dagaallanka argagixisada” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *