Baarlamaanka Galmudug oo degmo-nimo u ansxiyay Guriceel

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay in degmo buuxda ay noqoto magaalada Guriceel ee gobolka Galguduud.

Ansixinta degmanimo ee Guriceel ayaa timid kadib markii horay ay Golaha Wasiirada meel mariyeen maqaamka degmada Guriceel.

Guriceel ayaa kamid ah degmooyinka Maamulka Galmudug rr ugu dadka badan,dhawaan ayayna aheyd markii laga saaray Kooxda hubeysan ee Ahlu Sunna.

Horseed Media