Rooble Iyo Qoor-qoor Oo Kulan La Qaatay Guddiyada Doorashada Ee Labada Heer

Published: November 16, 2021

Raysal Wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed kula kulmay magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale kulanka uu Rooble la qaatay guddiyada doorashooyinka ayaa waxaa ku wehliyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka ayaa looga wada hadlay qabsoomida doorashada xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee lagu dooranayo dowlad goboleedka Galmudug.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *