Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay Walxo qarxa

Published: November 17, 2021

Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir oo howlgallo qorsheeysan maanta ka sameeyay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, ayaa gacanta ku dhigay aalado ka sameysan waxyaalaha qarxa, gaar ahaan  Miinooyinka Dhulka lagu aaso.

Saraakiisha hogaaminaysay howlgalka ayaa tilmaamay in A-lshabaab ay qorshaynayeen inay walxahan qarxa ku wax yelleeyaan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Saraakiisha ciidanka ayaa boggaadiyay shacabka Degaanka oo si wanaagsan arrintaan u gala shaqeeyay, si looga hortago waxyelleeynta Shacabka, waxaana ay sheegeen in ay sii socon doonaan howlgalada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *