Maxkamadda darajada 1-aad ee Gobolka Mudug oo xukun ku riday dhalinyaro dhac geystay

Published: November 17, 2021

Maxkamada darajada kowaad ee gobalka Mudug ee Puntland ayaa soo Afmeertay Dhageysiga dacwad loo heystay shan eedaysane oo loo heysto kiisas la xariira dhaca  shacabka iyo dhibaatooyin loo geystay  gabar Soomaaliyeed.

Kadib soo jeedinta xeer ilaalinta Maxkamadda darajada kowaad ee gobalka Mudug , ayaa waxaa xukunka Maxkamadda ku dhawaaqay Gudoomiye ku xigeenka Maxkamada Darajada koowaad ee Gobalka Mudug ee Puntland Ciise Cabdi Daahir  xirsi.

Maxkamadda ayaa eedeysanayaasha oo dhan shan dhalinyaro ah ku xukuntay xukuno kala duwan oo isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *