Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday Ciidanka xoogga dalka ee kusugan Galmudug

Published: November 17, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Xilgaarsiinta Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmdug ayaa booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan xeryaha Ciidanka ee ku yaala Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku ammaanay ciidamada sida geesinimada leh ee ay argagixisada iyo nabad diidka uga difaacayaan dalka.

Sidokale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Ciidamada ku boorriyay in ay sii labo jibbaaraan howsha adag ee ay Qaranka u hayaan, madaama ay yahiin mid kamid ah cududa u xilsaaray difaaca nabad galyada dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *