Bardaale: Qarax ka dhacay suuq lagu iibiyo Jaadka

Published: November 19, 2021

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay suuq lagu iibiyo qaadka magaalada Bardaale ee gobolka Bay ee Maamulka Koofurgalbeed.

Ilaa inta la xaqiijiyay toddobo ruux oo shacab ah ayaa ku dhintay, 10 kalena way ku dhaawacmeen qaraxan oo siweyn looga maqlay Bardaale.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa cambareeyay qaraxa, waxaana uu ku baaqay in gurmad loo fidiyo dadka uu khasaaraha kasoo gaaray.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *