Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka 6-aad ee Madasha Shucuubta Shiinaha iyo Afrika

Published: November 19, 2021

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Cawaale Cali Kullane ayaa khudbad dheer ka jeediyay shirka 6-aad ee Madasha shacuubta Shiinaha iyo Afrika.

Shirkan oo ka dhacay hoolka caanka ah ee Zhenghe Hall ee ku dhex yaalla Machadka Shiinaha iyo Afrika ee magaalada Beijing ayaa waxaa si wadajir ah usoo qabanqaabiyay Machadka Shiinaha iyo Afrika iyo  Waaxda xariirka caalamiga ah ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Shuuciga “IDCPC” ee talada haaya dalka Shiinaha.

Danjire Cawaale Cali Kullane shirka uga qeyb galayay qaab fogaan arag ah ayaa ahayd khudbaddiisa mid dhinacyo badan taabanaysa oo xoogga ku saarayay xariirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Danjire Cawaale Kullane ayaa xoojiyay muhiimada ay dhalinyarada u leeyihiin xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha, waxa uuna dhalinyarada ku dhiiri galiyay in ay dhaxlaan xariirka saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *