QM iyo DF oo Warsaxafaadeed wadajir ah kasoo saaray Abaaraha kajira dalka

Published: November 20, 2021

War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen Hay’adaha gargaarka Qaramada Midoobay iyo Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ay aad ugu walaacsan yihiin xaaladaha Abaaraha ee dalka ka jira.

Dib u dhaca Roobaadkii la filayay in ay ka da’aan gobalada dalka ayaa keentay cunto yari iyo biyo yari, taas oo halis galisay nolosha dad badan.

Sido kale saadaasha Cimilada Soomaaliya ayaa muujineysa in dalka uu qarka u saranyahay inuu baaqdo xilli Roobaadkii afaraad oo xiriir ah, taas oo xaalad halis ah keeni karta dalka marka la gaaro April 2022.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *