Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha dibadda, mid kalena magacaabay

Published: November 20, 2021

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ugu magacaabay Cabdisaciid Muuse Cali, Halka Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda loo magacaabay Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale isku baddelay labada wasiir ee kala ah Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) oo loo magacaabay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo Xuseen Maxamed Sheikh Xuseen (Badni) oo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib u dhiska.

Wareegtada xilka qaadista iyo magacaabista ee Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kusoo aaday xilli weli dalka uu kuguda jiro xili doorasho ayna bilaabatay doorashada xildhibaanada Golaha shacabka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *