Guddiga baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil oo soo saaray natiijo baariseed hordhac ah

Published: November 21, 2021

Guddigii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya horey ugu xil saaray baaritaanka kiiska Sarkaalad Ikraan Tahliil ayaa warbaahinta u soo bandhigay natiijo baariseed hordhac ah oo ku saabsan kiiska.

Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya Jeneral Cabdilaahi Buule Kameey oo kasoo muuqday warbaahinta dowladda ayaa sheegay in inta baarista lagu guddi jiray guddi aanu usoo bixin cadeyn
muujineysa in sarkaalad Ikraan ay ku maqan tahay gacanta saraakiisha Nisa.

Gen. Kameey ayaa tilmaamay in baaris lagu sameeyey Taliyihii hore ee Nisa Fahad yaasiin Xaaji Daahir, Ku simaha Taliyaha Nisa Gaanshale Sare Yaasiin Cabdilaahi fareey iyo Cabdilaahi Kulane ay muujinayso in Saraakiishan ay si wanaagsan ula dhaqmeen Sarkaalad Ikraan taasoo la macna ah in barri ka yihiin kiiska.

Gen Kameey ayaa sidoo kale soo bandhigay baaris lagu sameeyay saraakiil hoose oo ka tirsan NISA kuwaasoo magacyadooda uu kusoo koobay Wadne-Qabad iyo Asma ayna soo cadaatay in guud ahaan NISA aysan wax dhibaato ah kala kulmin Sarkaaladda Ikraan Tahliil.

Gaba gabadii Gen.Cabdulaahi Buule Kameey ayaa sheegay in Guddiga baarista ay NISA kala wareegeen gal baariseedka sheegaya in Ikraan ay dileen Alshabaab ,isagoo kusoo xiray hadalkiisa in cid kasta oo warbixin ka heysa kiiskan ay la xiriiraan Hay’adaha Dambi baarista.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *