Puntland oo Guddi u magacaabeysa wax ka qabashada Abaaraha

Published: November 21, 2021

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyey shirka sadex bilood laha ah ee ay ku kulmaan xafiiska qor uqaadida heerka nafaqada Puntland (SUN) iyo Wasiirada Waaaaradaha bahwadaagta la ah mashruuca.

Shirka ayaa looga hadlay abaaraha oo lagu go’aamiyey in la magacaabo guddi ka shaqeeya gurmadka loo fidinayo dadka ay saameeyeen abaaruhu, warbixin ku saabsan wax qabadkii sanadka 2021 iyo qorshaha cusub ee sanadka 2022.

Ugu dambeyn Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku boggaadiyay xafiiska kor u qaadida nafaqada Puntland (SUN) iyo Waaaaradaha bah-wadaagta la ah mashruuca shaqada wanaagsan ee ay hayaan , isagoo kula dar-daarmay inay sii laba jibaaraan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *