Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari oo soo xiray koob loo qabtay dhalinyarada Bosaaso

Published: November 22, 2021

Taliyaha qeybta Booliska gobolka bari G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa ka qayb galay xiritaanka koobka isdhexgalka dhalinyarada kaasoo loogu magac-daray Golis Cub.

Koobkan ayaa waxaa ku tartamayay 30 kooxood oo ka dhisan magaaladda Bossaaso Waxana kama-danbeystii iskugu soo haray Kooxaha kala ah Booliiska & Safiina iyadoo guushu raacday Kooxda (Booliska)ka dib markii gool ku lead kaga badiyeen dhigooda safiina.

Taliyaha ayaa dhalinyaradda kala hadlay in ay garab ku siiyaan ka shaqaynta amniga ,waxa uuna dhanka kale ku dhiiri geliyay in ay saaxiib dhaw la noqdaan Booliiska.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *