Galmudug: muddo kordhin loo sameeyay isdiiwaangelinta Musharixiinta Golaha Shacabka

Published: November 23, 2021

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa hal maalin oo dheeri ah ku daray xiliga loo asteeyay in lagu soo gaba gabeeyo is diiwaangelinta 5-ta kursi ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa shaaciyay in isdiiwaangelinta ay ku egtahay 23-ka November 2021 oo maanta ku beegan.

Ilaa iyo iminka kuraasta Golaha shacabka ee doorashadooda la qaban doono ee 5-ta kursi waxaa iska diiwaangeliyey musharixiin gaaraya 14 musharax kuwaasoo tartan u geli doona kamid noqoshada Golaha shacabka 11-aad.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *