Madaxweyne Laftagareen Iyo Guddoomiye Mursal Oo Ku Kulmay Baydhabo

Published: November 23, 2021

Madaxweynaha dowad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xafiiskiisa magaalada Baydhabo ku qaabilay gudoomiyaha gollaha shacabka baarlaamanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan oo maanta Baydhabo gaaray.

Qaabilaad iyo kala warqaadasho madaxda waxay ka wada hadleen xaalada dalka iyo arimaha doorashooyinka. Waxaana sidoo kale kulan qeyb ka ahaa Gudoomiyaha gollaha wakiilada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Fiqi.

Dhanka kale guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta la guddoonsiiyay shahaadada musharaxnimo ee kursiga sumadiisu tahay HOP182 ee golaha shacabka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *