Madaxweyne Deni oo Agaasime cusub u magacaabay Hay’adda PSF

Published: November 24, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Hay’adda Amniga Puntland ee PSF isagoona xilkan u magacaabay S/guuto Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr.

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa u qorneyd sidatan:-

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 44 ee November 24, 2021 kuna Saabsan Magacaabid Agaasime Hay’adda PSF ee Ciidanka Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragntinimadiisa Ciidanimo

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa S/guuto Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda PSF ee Ciidanka Dowladda Puntland.
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Waxaa dhagaheyna ku soo dhacaya in Asad diyano uu soo direy farmaajo laakiin aniga ma aaminsani in Asad diyano uu kabo qaad u noqonayo farmaajo waayo waa nin caqli iyo waayo argnimo ku filan leh oo uma maleynayo in Asad diyano uu diyaar u yahay in uu burburiyo meesha ay shalay iyo maanta uu u soo halgamayn ama uu difaacayay. Asad waa nin dhalinyaro oo fursad fiican heysta oo uu ku noqon karo madaxweynaha soomaaliyeed ama kan puntland ee kama aynu fileyno in qola cadow ku ah jiritaanka puntland in uu u adeegayo. waxaa Boqorka iyo isimada puntland oo dhan ka codsaneynaa in arrintaa la qaboojiyaan oo laga baaqsado isku dhac ciidan. Dadku way kal fikrad duwanaan karaan ee ma ha in leysku neco fikrad duwanaanshaha.Deni iyo Asadba waa gacanteyda midig iyo bidix.Waxaan rajeynayaa in la xaliyo arrintaa waayo haduu dagaal dhaco waa arrin foolxumo leh ee aynu ku walaalowno danta guud .Wa bilahi towfiq.