Taliska PSF Oo Qaadacay Magacaabis Uu Sameeyey Madaxweyne Deni

Published: November 24, 2021

Hay’adda la dagaalanka aragagaxisada iyo amaanka Puntland ee PSF ayaa war kasoo saartay isbedel lagu sameeyey hogaanka hay’addaasi, kadib markii uu madaxweynaha Puntland usoo magacaabay Agaasin cusub.

Taliska PSF oo qaadacay magacaabista ayaa sheegay inaan loo marin sifo sharci ah, xeerka ciidannimada iyo dhaqanka suuban.

” Go’aannada aan baraha bulshada ku aragnay oo aysan jirin horudhacyo ka horreeyey oo lagu filan karay, waxay baalmarsanyihiin sharciyadda, xeerka ciidannimada iyo dhaqanka suuban.Hoggaanka iyo ciidamada PSF waxay u heelan yihiin la dagaalanka argagixisada, amni darrada iyo guud ahaan wixii amniga Puntland iyo Soomaaliya ba wax u dhimaya.Si dhow ayaan u la soconnay xaaladda dalka cidda la sameynaysa xiriirada gurracan cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland, Ciidanka PSF saacadna dib uga noqon mayaan difaaciina iyo ilaalinta” ayaa lagu yiri: war kasoo baxay taliska PSF.

Hay’adda la dagaalanka argagixisada iyo amaanka Puntland ee PSF ayaa taageero maaliyadeed iyo mid ciidanba waxaa siiya dowladda Maraykanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

3 Comments

  1. haddii la oranayo PSF ma gutaan shaqada ay puntland ka hayaan waa arrin u baahan in laga hadlo laakiin haddii ay shaqada si fiican oo hufan ay u gudanayaan ma garan karo sababta loo bedelayo. Maxaa loo bedeli waayey taliyahii ciidanka badda ee maalin cad soo weeraray boosaaso.

  2. lama diidana in uu Saciid Deni Yahay taliyha ciidamada ee waxaa inoo cuntameynin sida deni uu wax u wado waayo PSF waxay wax ka qabataa amniga puntland oo dhan hadeysan jiri laheyn ma aynan haysan lahayn amniga aynu hadda haysano. Hadey soo firaqeeyaan buuraha ay ka dagaalamayaan wixii dhib ah ee ka yimaada waxa mas’uuliyadeeda qaadaya MR Deni. Mr Deni.
    · ✔️

  3. Saciid deniyow markaad xafiiska madaxtooyada puntland aad tagtay weynu ognahay sida aad ula dhaqantey dadka ehelkaaga oo aad isku dayday in aad kal qeybisid dadka wada dhashay oo ehelka ah , taasi iyadoo jirta ha ku darin arrinta aad hadda wadid oo ah in aad xilka ka qaadid taliyaha PSF . waynu ognahay damacaad oo ah in aad mar kale ku soo noqotid madaxtinimada puntland ama aad u tartantid madaxtinimada dowladda federalka, damaca xun waa lagu hungoobaa ee hortaa jire waa ceeb badan kale kulmay ,ha noqon sida farmaajo oo aad ku eedeyneysid in uu nin xun yahay ,laakiin waxaad ku socotaa dhabadii uu marey farmaajo. oo ay ku kala dhinteen dadkii ugu dhawaa ay ehelka ahaayeen. ka joog baa ku leeyahay waxa tahay nin dhalinyaro oo mustaqbal fiican doonaya ee dadkaad ha xumeen. meel cidla ayaad soo istaageysaa `markaad dadkaaga colaadisid oo aad xasadid.