Wasiirka cusub ee Arrimaha dibadda DF oo xilka la wareegay

Published: November 25, 2021

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta xilka kala Wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Xilwareejinta waxaa goob-joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Diblomaasiyiin iyo Wasiir Ku-xigeenka Cusub ee Wasaaradda Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos.

Cabdisaciid Muuse Cali Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa soo bandhigay qorshihiisa ku aaddan dardar gelinta shaqada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyadoo dhanka kale Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah uu ka warbixiyey shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu soo qabtay intii uu xilka hayey, isagoona Wasiirrada Cusub u rajeeyey sii ambaqaadidda waajibaadyada qaran ee horyaalla.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *