Madaxweyne Deni oo Madaxtooyada ku qaabilay madaxweyne kuxigeenka Jubaland

Published: November 27, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Koowaad ee Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo maanta Garoowe yimi.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Wafdiga la socday Madaxweyne Ku-xigeenka Jubaland.

Socdaalka Madaxweyne kuxigeenka Jubaland uu ku yimid Puntland ayaa sida la aaminsan yahay waxa uu salka ku hayaa arimaha doorashooyinka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *