PSF oo soo bandhigtay Ciidamo ay sheegtay in ay kasoo wareegeen Daraawiishta

Published: November 28, 2021

Ciidamada Ammaanka Puntland ee PSF ayaa soo bandhigey ciidamo ku lebbisan dirayska ciidamada Daraawiisha Puntland kuwaasi oo sheegay in ay ka soo bexeen difaacyada dowladda una wareegeen PSF.

Arintan ayaa ku soo aadaysa xilli saacado ka hor ay dowladdu sheegtey in ciidamo PSF ay dhankeeda u soo wareegeen.

Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee magaalada Boosaaso ayaa sii xoogaysanaya tan iyo intii PSF ay ku gacan sayrtay xilqaadistii uu agaasimaha hey’addaasi ku sameeyey madaxweyne Deni.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *