Ciidamada Jubaland iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay deegaanka Kudhaa

Published: November 28, 2021

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaalka qaraar oo  u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya oo dhinac ah iyo ururka Al-Shabaab uu ka dhacay degaanka Jasiiradda Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Ciidamada Jubbaland ee fariisinka ku leh degaaanka Kudhaa, waxaana intaa kadib dagaalka ku biiray Ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ilaa iyo iminka lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka oo ahaa mid la isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan ,hase ahaatee wararka la helayo ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro labada dhinac kasoo gaaray dagaalka.

Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa tabiyay in ay dagaalka kula wareegeen Saldhiga Ciidammada Jubbaland ee loo yaqaan Afriik kaasoo ku yaala deegaanka Kudhaa, walow sheegada ka sokow aanay Saraakiisha Jubaland wax war ah kasoo saarin khasaaraha dagaalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *