Guddiga Doorashooyinka Heer Federal oo hakiyay doorashada kursiga HOP 103

Published: November 28, 2021

Guddiga Doorashooyinka Heer Federal ayaa hakiyay qabashada doorashada kursiga summadiisu tahay HOP103 kaasoo lagu waday in lagu qabto magaalada Baydhabo.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in kursigan ay ka timid cabasho xooggan ayna muhiim tahay in la hakiyo tan iyo inta laga xalinayo cabashada laga gudbiyay.

Kursiga HOP 103 oo deegaan doorashadiisu ay tahay magaalada Baydhabo ayaa waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Cismaan Jawaari kaasoo maalmo ka hor sheegay in laga hor istaagay in uu tartamo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *