Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo hakiyay natiijada kursiga uu ku guulestay Yaasiin Farey

Published: November 28, 2021

Guddiga xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban ayaa shaaciyay, iyaga oo fulinaya Habraaca lagu dhisay Guddiga ee soo baxay I-dii Oktoober 2020 uu ku wargalinayo Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal in dacwad laga keenay Kursi Lumber HOP#067.

Kursigaan ayaa maalmihii la soo dhaafay, iyada oo dood ka taagan tahay lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana kusoo baxay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey .

Qoraal kasoo baxay Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa lagu wargeliyay guddiga doorashooyinka Heer Federaal in la hakiyo natiijada ku dhawaaqista rasmiga ah ee Kursiga HOP#067 laga bilaabo 28/11/2021 ilaa inta go’aan ay ka gaarayaan guddiga xalinta khilaafaadka dacwadda laga soo gudbiyay kursiga.

Sidoo kale Guddigu waxa ay sheegeen in baarintaanka cadaymaha, dhagaysiga dhinacyada ay khusayso dacwadu, iyo
ga’aan ka gaarista dacwada ku dhamaystiri doonaan muddo todobo (7) maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa 28/11/2021 Waxayna go’aanka ugu gudbin doonaa soo dacwoodayaasha iyo dhamaan dhinacyada ay Khuseyso muddo afar iyo labaatan saacadood (24) gudahood ah oo ka
bilaabanaya marka go ‘aanka la gaaro.

Ugu dambayn, Guddiga ayaa ku wargaliyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka ee Heer
Federaal (GHDHF) iyo Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee Galmudug in ay si dhaw shaqeeyaan xubnaha Guddiga xalinta khilaafaadka ee dacwadan gacanta ku haya si loo helo xog dhameystirsan isla markaana dhawraan waqtiyada dhagaysiga dacwada ee lagu qeexay habraacyadii ka soo baxay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *