Rooble oo baaq adag u diray Guddiyada Doorashooyinka Dowlad goboleedyada

Published: November 28, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la yeeshay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, ayaa kala hadlay xal u helista cabashooyinka la xiriira doorashada Golaha Shacabka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ku boorriyay madaxda dowlad-goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinku in ay dhowraan hufnaanta doorashada.

Sidoo kale, Wuxuu hoosta ka xariiqay in hufnaanta doorashada ay sal u yihiin saddex arrimood oo kala ah madax bannaanida guddiyada doorashooyinka, ilaalinta habraacyada doorashooyinka iyo caddaalada iyo xalinta khillaafaadka.

Qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka waxaa si habsami leh uga socda doorashada xildhibaanada golaha shacabka halka qaarka kalena la filayo in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *