Published: November 29, 2021
Ciidamada duufaan ee qaybta ka ah hay’adda nabadsugida qaranka ee NISA ayaa howlgal ay ka fuliyeen degmada Heliwaa ee Suuqa Xoolaha ku soo qab-qabtay saddex Horjooge oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab.
Howlgalkan qorshysan oo dhacay habeenimadii xalay ayey sidoo kale ciidamadu kusoo qabteen keyd hub ah oo kooxdaasi u adeegsan jireen in ay ku dhibaataeeyaan Shacabka Soomaaliyeed.
Saraakiisha ciidamada Duufaan, ayaa u mahadceliyay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadkii sida hufnaanta ah ula shaqeeyay laamaha Sirdoonka Qaranka ee ku guuleystay soo qabashada horjoogayaasha iyo hubka ay adeegsanayeen.
Horseed Media