Safiirka Soomaaliya Ee Biljimka Oo Laga Gudoomay Waraaqihiisa Aqoonsiga

Published: November 29, 2021

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Biljimka, Yonis Yaasiin Xaashi ayaa xilkiisa la wareegay kaddib markii uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Boqorka dalka Biljim Boqor Philippe.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Biljimka, Benelux iyo Midowga Yurub, ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Philippe Léopold Louis Marie oo ah Boqorka dalka Biljim.

Boqorka Biljim-ka ayaa u hambalyeeyay safiirka cusub ee Soomaaliya, isagoo u rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha loo igmaday ee ah xoojinta iyo soo nooleynta xiriirkii wanaagsanaa ee Brussels iyo Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment