Muqdisho:NISA oo sheegtay in ay dishay 12 ka tirsan Alshabaab

Published: December 2, 2021

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay sheegtay in ay gacanta ku dhigtay 12 xubnood oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, kadib howlgal ay xalay ay Ciidanka amaanka ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

Qoraal ay NISA ku baahisay barteeda Twitterka ayay ku shaacisay in howlgalka ay ku dhinteen 12 xubnood oo katirsan Alshabaab kuwaasoo ay sheegtay in ay u qaabilsanaayeen khalkhal-gelinta Amniga Caasimadda Muqdisho.

“Howlgal gaar ah ayaa caawa lagu beegsaday 15 sargaal oo  Maafiyada AS u qaabilsanaa  khalkhal-gelinta Amniga Caasimadda Muqdisho. Waxaana ku dhintay 12 kamid ah Argagixisada. Waa waajib qaran  ilaalinta amniga iyo bedbaada umadda Soomaaliyeed,”

ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

NISA ma aysan kala cadeyn in la qabtay iyo inay baxsadeen 3-dii xubnood ee kale, maadaama bartilmaameedku ahaa 15 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *