Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo gaaray Muqdisho

Published: December 2, 2021

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Garoonka Diyaaradaha Aaden Cadde waxaa kusoo dhaweeyay ,musharixiin kamid ah Golaha Midowga, Xildhibaano,Siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay qeybta VIP-da Garoonka ayaa ka hadlay safarkiisa iyo Muqdisho iyo xaaladda uu xiligan dalka ku sugan yahay.

“Xaaladda Dalku marayo waa xaalad khatar ah,doorasho ayaa lagu heshiiyay mana muuqato doorasho cadaaladd ah hadaan xal loo helinna sida wax ku socdaan dadkoo dhan ayaa ka hor imaan doona, waa in la isku yimaado oo laga wada tashadaa doorasho ku dhisan cadaalad.

ayuu yiri Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *