Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Qatar

Published: December 2, 2021

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Xukuumadda Xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ee ku taala Dalka Qatar gaar ahaan Caasimadda Doha.

Waxaa kusoo dhoweeyey Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Qatar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala Safaaradda.

Wasiirka oo hadal ka jeediyey Safaaradda ayaa kula dardaarmay diblomaasiyiinta ka hawlgala Safaaradda in ay dadaal dheeriya ku bixiyaan u adeegidda shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta danaha, sumcadda iyo sharafka dalkeenna oo ah waajibka qaran ee loo igmaday.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *