Madaxweyne Qoor-qoor Oo Saxiixay Miinsaaniyadda Galmudug

Published: December 3, 2021

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta oo Jimco ah saxiixay Miisaaniyadda Maamulka Galmudug ee sanadka ee 2022

Miisaaniyadda Galmudug ee sanadka cusub ee soo socda 2022 ayaa waxaa horey u ansixiyay XIldhibaanada Baarlamaanka Galmudug, kadib kulan ay ku yeesheen Dhuusamareeb

Munaasabadda saxiixa Miisaaniyadda ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Dahir Ciid, Wasiirka Maaliyadda Galmudug iyo Mas’uuliyiin kale.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug laguma shaacin tirada lacagta Miisaaniyadda Galmudug ee sanadka cusub ee soo socda 2022, balse waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Qoorqoor ui saxiixay oo kaliya Miisaaniyadda oo ay sop gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Maamulkaas.

Maamulka Galmudug ayaana laheyn ilo dhaqaale oo sidaa u badan, waxaana Galmudug lacagta Miisaaniyada ku baxda kabta dowladda Federaalka Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *